Daganaansho Laga Dareemayo Deegaanka Xiraale ee Gobolka Galgaduud

0

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Xeraale ayaa ku soo waramaya in maanta laga dareemayo xalad degenaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn, kadib dagaalo culus oo maal mihii ugu danbeyay ka socayay degaankaasi.

Dadka ku haray deegaanka ayaa muujinaya cabsi iyo wal wal ay ka qabaan in markale uu dagaal ka qarxo deegaanka Xeraale , maadaama wali ay  is hor fadhiyaan dhinacyadii halka ku dagaalamayay maalmihii ugu danbeyay.

Dhanka kale Madaafiicdii Shalay labada dhinac is weedaarsadeen ayaa la sheegayaa iney geysatay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartay dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Nuur Tahliil cismaan oo kamid Ah nabadonada Degaankaa Xeraaale oo La hadlay Radio Simba ayaa ka hadlay xiisada dagaal ee ka taagan deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, waxaana uu sheegay in dad ay ka Barakaceen Degaaanka walina aysan jirin cid ka dhax wada Labada Maleeshiyo ee wali is hor fadhiya.

Maleshiyaaadka ku dagaalamayay maal mahii aynu soo dhaafnay deegaanka Xiraaale ayaa kala Taabacsan kuwa ururka Ahlu-Suna iyo dhalinyaro degaanka Ah oo garab ka helaya maamulka galmudug Walow laga Cabsi qabo in mar kale uu degaanka Dagaal labada dhinac u dhaxeeyo ka qarxo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here