Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha, Eng. Cabdixakiin Camey Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa wacad ku maray inaysan doorasho Somaliland leedahay ka dhici doonin gobolada Sool iyo Sanaag.
Waxa uu Sheegay in Puntland ay si weyn ugu taxadartay in kaararka doorashooyinka Somali-land la geeyo Magaalooyinka Sool iyo Sanaag.
Eng Camey ayaa Somaliland sheegay inay fashil xoogan kala kulantay iskudaygoodii ahaa inay diiwaan galin ka sameeyaan gobolka Sool, isagoo tusaale usoo qaatay sanaadiiq laga gubay iyo askar ciidankooda katirsan oo lagu dilay magaalada Laascaano iyagoo laga qaatay hubkoodii.
“Waxaan hubaa inay Somaliland isku day ka ahayd arrintaan, balse ay ku fashilantay,waxaana u sheegaynaa inaysan Puntland faraha ka laabandoonin haddii aysan joojin xadgudubka ay ku hayso dhulka Puntland.” ayuu yiri madaxweyne Camey.

