QM:-Dilalka Loo Geysto Shaqalaha Gargaarka Way Kordheen”,!

0

Qaramada midoobay  war ay soo saartay ayay ku sheegtay in uu sara kacay dilalka qorsheysan ee loo gaysto shaqaalaha dhinaca gargaarka bani,aadinimo sida uu sheegay sarkaal ka tirsan qaramada midoobay.

Xiriiriyaha arimaha gargaarka qaramada midoobay ee somaliya peter de clerk ayaa xusay in sanadkan ay kordheen dilalka shaqaalaha gargaarka waliba xilli ay ku jireen shaqooyin la xiriira dhinaca samafalka.

Waxa uu tilmaamay  in shaqaalah la bartilmaameedsado ay inta badan jireen iyagoo caawinaya dadka ay saameeyeen abaaraha xoogan ee ku dhuftay somaliya.

Waxa uu ku amaanay Shaqaalaha gargaarka sida ay naftoodu ugu hureen kaalmeynta dadka ay u baahan dhinaca gargaarka

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Hay’adda qaramada midoobay ay u dabaal degeyso xiligaan maalinta bani,aadinimada ee caalamka loo asteeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here