Akhriso:-Cali Osoble oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Dowladda Soomaliya

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble oo Xafiiskiisa Magaalada Jowhar Ku qaabilay Wafdiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xoojinta dowladnimada Hirshabelle Iyo Ku tumashada sharciga, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha lagu faah faahiyay kulamada Wafdiga iyo madaxweynaha wada qaateen iyadoo madaxweynaha uu faah faahin ka siiyay Afgambigii dhicisoobay oo uu sheegay in Laga soo qaaday meela fog fog.

Wafdiga Wasiirada ah oo Xildhibaanada iyo madaxweyne Ku Xigeenka kulan la qaatay ayaa u sheegay Mr Cosoble in uu yahay Madaxweynaha Dastuuriga ah ee Hirshabelle islamarkaana aan La dhihi Karin madaxweynihii hore, sharcidarana ay tahay Xil ka qaadis beenaadka La rabo in lagu majaxaabiyo Hirshabelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here