Kooxo Hubeysan ayaa goordhaweyd Xaafadda Xamar bille ee Degmada Warta-nbada waxa ay ku dileen Gudoomiyihii gudiga garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed Ala Ha u naxariistee Cismaan Jaamac Diraac.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in dhowr xabadood ay ku dhufteen mas’uulka islamarkaana uu goobta ku geeriyooday sida idaacadda Simba ay u sheegeen dadka deegaanka.
Goobta uu dilka ka dhacay waxaa isaga baxsaday ragii dilka fuliyay,waxaana gaaray goobta Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya oo wada baaritaan lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka Marxuumka.
Ma Jirto ilaa haatan si cid si rasmi ah u sheegtay mas’uuliyada dilka Cismaan Jaamac Diraac.

