Dad Isku Qoys ahaa oo Lagu Laayay Duqeyn Ka Dhacday Jubbada Dhexe+Sawirro

0

Diyaaradaha Dagaalka Dowladda Mareykanka ayaa duqeyn ka geystay tuuladda Shiikh Axmed Yarre Degmada Jilib ee Gobolka Dhexe ee konfurta dalka Soomaliya.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad deegaanka ah 7 qof oo isku qoys ahaa oo ka koobnaa 5 caruur ah,hooyadood iyo aabahood oo la yiraahdo Axmed Yare kaasi oo lagu magac daray tuulada ayaa ku dhintay  duqeyn diyaaradeed.

Al-shabaab oo deegaanka la duqeyay maamula waxa ay sheegeen in duqeynta oo is dabo joog aheyd ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo ay la socdeen kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika AMISOM.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa amray howlgal ay fuliyeen 16-kii bishaan oo shalay ku beegneed Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo ku mareykanka oo ka dhacay tuuladda Shiikh Axmed Yarre Degmada Jilib ee Gobolka Dhexe ee konfurta dalka Soomaliya.

Howlgalkaan qorshaysan ayaa la sheegay in lagu dilay 7- ka Tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo uu ku jiro madaxii soo abaabulayay qaraxyadda ka dhaca magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Inta badan duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka waxaa lagu waxyeeleeyaa dadka Soomaliyeed ee ku nool deegankaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here