Xabsi ku yaala dalka Hindiya waxaa ku dhintay mid ka mid ah maxaabiista Soomaaliyeed ee dalkaas ku xirnaa.
Muwaadinka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Atoor Bashiir Barre.
Safaarada Soomaaliya ee India waxa ay sheegtay in wiilkan uu u dhintay Sonkor iyo TB, waa maxbuuskii saddexaad ee ka mid ah Soomaalida India ku xiran oo halkaasi ku dhinta.
Sidoo kale Danjire Ebyan Ladane Salah Safiirka Soomaaliya ee India waxa ay sheegtay in saddexda maxbuus ee ka geeriyootay Soomaalida ay dhamaan ku geeriyoodeen Isbitaal, waxay ii sheegtay in ay awal ahaayeen 120, hadana ay soo hartay 117Maxbuus. Kooxda u danbeysa ee la xukumayo waxaa ay ii sheegtay in xukunkeedu dhacayo 19 bishan.
Waxaa jira dadaalo socda oo ay hormuud ka tahay Dowladda Soomaaliya oo dooneysa in wiilashaasi la keeno dalka, dhowaan heshiis ayaa ka dhacay India oo labada dowladdood dhexmaray, waxaana jiri doona in hirgelinta go’aamada laga gaarayo arrintan ay baarlamaanada labada dal door ku yeelan doonaan.

