Wararka laga helayo xaafadda laba dhagax oo ka mid ah xaafadaha degmada Warta-nabadda ee G/Banaadir ayaa ku waramaya in goor dhaw uu halkaasi ku dhacay Madfac haboow ah oo aan la ogeyn halka uu kasoo dhacay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa u xaqiijiyey idaacadda Simba in madfaca habowga ahi uu ku dhacay Tukaan ku Yaalla Xaafadda Laba-dhagax.
Inta La Xaqiijiyey 4-ruux oo ka ag dhawaa Tukaanka uu Madfacu ku dhacay ayaa Ku dhawaacantay Sidaan kasoo xiganay dadka deegaanka,waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan xaaladda dadka dhaawaca ah.
Goobta ayaa lagu waramayaa inay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaa isku gadaamay,walow wararkii ugu dambeeyey ay ku waramayaan in hadda jawigu uu caadi kusoo laabtay.
Illaa Hadda lama oga halka uu sida rasmiga ah uga yimid madfaca Habowga ah ee caawa ku dhacay xaafadda laba-dhagax ee degmada Wartanabadda ee G/Banaadir.
Waxaana arintan ay walaac ku abuurtay dadka deegaanka ee ku nool xaafadda ay wax ka dhaceen oo sheegay in arintan ay tahay mid ku cusub.

