Wafdi Wasiiro ah oo Galabta Gaaray Magaaladda Jowhar+Sawirro

0

Magaaladda Jowhar ee caasimadda Maamulka Hir-shabeelle waxaa galabta gaaray Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdigaan waxaa garoonka diyaaradaha Magaaladda Jowhar kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hir-shabelle.

Wafdigaan ayaa la sheegay in uu direy  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre, si ay fara geliyaan xiisada siyaasadeed ee ka jira Maamulka Hirshabeelle, kaddib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa, waxaa wehliya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Waxbarshada, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal.

Wafdigan ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Jowhar, iyagoo la kulmi doona dhinacyo kala duwan, lama oga qaabka ay ula macaamili doonaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Maamulka Hirshabeelle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here