Dowladda Soomaliya oo Xaqiijisay Dilka Madaxii Qaraxyadda Al-shabaab Muqdisho 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa amray howlgal ay fuliyeen 16-kii bishaan oo shalay ku beegneed Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo ku mareykanka oo ka dhacay tuuladda Shiikh Axmed Yarre Degmada Jilib ee Gobolka Dhexe ee konfurta dalka Soomaliya.

Howlgalkaan qorshaysan ayaa la sheegay in lagu dilay 7- ka Tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo uu ku jiro madaxii soo abaabulayay qaraxyadda ka dhaca magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa la sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii loo cirib tiri lahaa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee Soomaliya ka dagaalama, islamarkaana loogu hortagi lahaa in aysan dhibaato u geysanin wadamada dariska ee bariga afrika.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here