Guddoomiyaha Golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo oo dhawaanahan dalka dibadiisa ku maqnaa ayaa maanta dalka kusoo laabtay,Guddoomiye Maxamed sh.cusmaan ‘jawaari’ ayaa ka qeybgalay shirka Baarlamaanada qaarada africa oo lagu qabtay dalka south-africa shirkaan oo la qabto sanadkii mar ayaa looga hadlay qodobo dhowr h oo ay ka mid tahay sidii fursado la xariira dhanka hogaaminta siyaasada iyo waxbarasho loogu abuurilahaa dhalinta qaarada africa.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha ka qeybgalay kulanka waxaana ka mid ah Uganda,Keynya,Masar iyo Ruwanda.






