Puntland oo Garab Istaagtay Isbaheysiga uu Hoggaamiyo Sacuudi Carabiya

0

Maamulka Puntland ayaa war kasoo saaray xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeysa wadamada Khaliijka, iyadoo taageertay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo ku qornaa luqada English ayaa lagu sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka inuu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo amniga iyo Ganacsiga ah.

Qoraalka waxaa lagu sheegay inay garab taagan yihiin Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta

Sidoo kale  dowladda Federaalka ayaa loogu baaqay in dib u eegis ku sameyso go’aankii ay ka istaagtay xiisada diblomaasiyadeed ee Khaliijka.

Xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Khaliijka ayaa soo bilowday horaantii bishii June, kaddib markii dowladdaha Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn ay xiriirka u jareen Qatar, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here