Akhriso:-Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hir-shabeelle oo La Magacaabay

0

Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo haatan kulan ku leh Magaaladda Jowhar ayaa  magacaabay guddiga doorashada Madaxweynaha Cusub ee Dowladd Goboleedka Hir-shabeelle kadib xil ka qaadistii Cali C/laahi Osoble.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre iyo labadiisa kuxigeen oo shir guddoominaya kulanka ayaa Xildhibaanada u soo jeediyay inay isku raacaan xubnaha Guddiga doorashada Madaxweynaha ka mid noqonaya.

Guddigan ayaa ka kooban 9 xubnood, iyagoo ka shaqeyn doona diyaarinta iyo qabashada doorashada Madaxweynaha.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddiga la magacaabay ay maalmaha  soo socda ku dhawaaqi doonaan xilliga doorashada Madaxweynaha ay dhaceyso iyo shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta.

Magaaladda Jowhar ayaa waxaa ka jirta Xaalad siyaasadeed oo aad u kacsan,iyadoo Maamulka Hirshabeelle oo dhismihiisa ay ka soo wareegatay 10 bilood uu xilligan lugaha la galay khilaaf siyaasadeed.

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hir-shabeelle  Osoble ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaliya waxa ka socda Jowhar, inkastoo Dowladda federaalka Soomaliya aysan ka hadlin arintaas.

Dhanka kale Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa maanta sheegay in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne ku-xigeenkii maalmulkaas oo la sheegay in uu yahay ku-simaha Madaxweynaha Cali Guudlaawe.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here