Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda oo Booqasho Ku Yimid Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) General David Muhoozi ayaa Talaadadii booqasho ku yimid Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Booqashadii uu ku yimid Soomaliya Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF)  ayaa  ku saabsaneyd  hawlihii qiimaynta ee joogtada ah.

Intuu booqasho ku joogo Soomaliya waxa uu kormeero ku tagi doonaa Saldhigyaddda ay ku sugan yihiin Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

“Ujeedada booqashadu waa in aan hubino ciidamada; Waa booqasho joogta ah, iyo sidoo kale sidii loo dhameyn lahaa arintii dhawaan ka dhacday deegaanka Golweyn ee Ciidamadeedana lagu laayay, Waxaa la qorsheeyay in aan la nimaadno saraakiisha iyo ragga si aan ula qabanno goobta howlgalka, taasina waa ujeedada aan maanta imid, “ayuu yiri Gen. Muhoozi oo ka hadlayey caasimadda Muqdisho.

Gen. Muhoozi ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM Lt Gen. Osman Nuur Soubagleh iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa AMISOM, Ambassador Caetano Madeira. Waxay ka wada hadleen xaaladda nabadgelyo ee hadda Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo qaaday si loo taageero geedi socodka nabadda.

“Waxaan doonayaa in aan muujiyo aqoonsigayga iyo mahadnaqa dadka iyo xukuumadda Uganda si ay u helaan deeqsinimadooda iyo u heellanaanta ujeedooyinka Midowga Afrika. “Waxaan rabaa in aan si dhab ah u muujiyo tixgelintayda aan u hayo askarta geesinimada leh ee AMISOM ee ku aaddan howlaha cajiibka ah ee ay halkan ka qabanayaan,” ayuu yiri Ambassador Madeira.

Waxa uu ku ammaanay Uganda kaalinteeda howlgalka Midowga Afrika, isaga oo sheegay in ciidanku ay kaalin weyn ka qaateen xasilinta Soomaaliya. Hay’adda SRCC waxay tacsi u dirtay qoysaska askarta la dilay iyagoo la dagaalamaya Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadooda ay la dagaalameen al-Shabaab weerarkii dhawaan ka dhacay Golweyn oo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose.

Uganda waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya bishii Maarso 2007-dii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here