Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil dhanka amaanka ah waxaa magaaladda Muqdisho laga baadi-goobayaa 4-gaari oo nooca Toyota Spacia kuwaasi oo la sheegay in lagu fuliyo dilalka qorshaysan ee ka dhaca gudaha magaaladda.
Waxaa la sheegay in gawaarida oo afar ah in lagu fuliyay dilal qorshaysan oo ka dhacay Magaaladaa Muqidsho ee Caasimadda Soomaliya kuwaasi oo lagu qaarijiyay dad shacab ahaa iyo dad u shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaliya.
Sidoo kale waxaa la sheegay in garaawirdaan mid kamid ah shalay lagu fuliyay weerar lagu qaaday qoys ka koobnaa 7-qoys iyo darawalkooda oo la sheegay in ay ahaayeen Ganacsato si weyn loogu yaqaanay Soomaliya.
Magaaladda Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dilalka qorshaysan ee lagu fliyo gawaarida raaxadda ah,waxaana jirin cid inta badan sheegata mas’uuliyadda dilalkaas.

