Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Kenya ayaa qarax miino oo dhulka lagu aasay waxaa lagu eegtay deegaanka Gaarisa ee Gobolka Woqooyi ee dalka Kenya.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay 5-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in ku dhawaad 100-dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab in gacanta ku dhigen intuu socday weerarka ka dhacay tuuladda Alijize Degmada gaarisa hub ay wateen Ciidamada Booliska Kenya ee qaraxa lala eegtay
Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee Soomaliya ka dagaalama ayaa weeraro qorshaysan waxa ay mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka geysanayeen gudaha dalkaas Kenya,waxayna bartilmaameedsanayeen dadka aan muslimka aheyn ee ku nool deegaanada Lamu iyo Gaarisa.
Waa weerarkii ugu horeeyya ay geystaan Al-shabaab tan iyo markii Kenya ay ka dhacday doorasho lagu doortay madaxweyne Uhuru kenyata.
