Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo Xilka Laga Qaaday

0

Magaaladda Jowhar ee caasimadda Maamulka Hir-shabeelle waxaa xalay kulan ku yeeshay Tiro Xildhibaano ah oo taageersan Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cai C/laahi osoble waxayna ku dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre.

Kulan ay Xildhibaanada ku yeesheen Guriga Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali Cosoble ayay ku sheegeen inay xilka ka qaadeen, waxaana goobta la sheegay inay ku sugnaayeen tiro labaatan Xildhibaan ku dhow.

Xildhibaanada ayaa mar kaliya laga war helay, iyagoo shir jaraa’id qabanaya, isla markaana sheegaya in xilka ka qaadeen Guddoomiyaha, Sheekh Cusmaan Barre ayna doorteen Guddoomiye iyo labo kuxigeen, taasoo u muuqata xaalad fowdo.

Talaabadaan ayaa timid, kaddib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre uu ayiday xil ka qaadistii shalay Xildhibaanada ku sameeyeen Cali Cosoble, iyadoo Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in 30 cisho gudahood Madaxweyne lagu soo dooranayo.

Xaaladda Magaaladda Jowhar ee Hir-shabeelle ayaa haatan u muuqato mid kacsan, waxaana jira sidoo kale eedo loo jeedinaya Dowladda Dhexe ee Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here