Wafdi ay kala hogaaminayaa madaxweynihii xilka Laga qaaday ee Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble iyo Gudoomiyaha baarlamanka Maamulkaas ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.
Labada mas’uul ayaa la sheegay in labo diyaaradood ay si kala gaar gaar ah ka raaceen magaalada Muqdisho, waxaa magaalada Jowhar hadda ka socda kulamo muhiim ah iyadoo goor dhow saxaafada uu la hadli doono Cali Cabdulaahi Cosoble Madaxweynihii ay kalsoonida kala laabteen Baarlamaanka Hirshabelle.
Sida ay inoo sheegn Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Hir-shabeelle Shekh Cismaan Barre Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa si toos ah u tegey Guriga Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen halkaa oo uu kulan kula leeyahay Madaxweyne ku xigeenka iyo qaar kamid ah xildhibaanada Hirshabeelle.
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle oo tiro ahaan gaaraya 68-xildhibaan ayaa codkii kalsoonidii kala laabtay Madaxweyne Cali C/laahi Osoble, kadib markii ay ku eedeyeen in uu dib u dhigay maamulka.

