Kooxo Hubeysan ayaa goordhaweyd rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen hal qoys oo ka koobnaa 7 qof iyo darawalkii gaariga u waday.
Falkaan ayaa ka dhacay goordhaweyd Degmada Hodan gaar ahaan isgoyska Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay saddax qof ayaa ku dhimatay falkaan shan qofna waa dhawacantay.
Dadkaan oo saarnaa hal gaari oo kuwa raaxada ah ayaa waxaa mar qura la huwiyey rasaas ay riyadeen dabley saarneyd gaari kale oo raaxada ah meel u dhow isgoyskada Digfeer, gaar ahaan kasoo horjeedka Shaneeno Nasri.
Sida ay inoo sheegeen dad ku sugnaa goobta falka ka dhacay gaariga ay saarnaayeen ayaa lagu dhuftay rasaas aad u badan ayuu darawalkii waday oo dhaawac ah wuxuu ku guuleystay inuu si deg deg ah u gaaro Isbitaalka Digfeer.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga cida falkaan ka dambeysay.

