Akhriso:-5-qodob ee Sababay in Kalsoonida Lagala Laabto Cali Cabdulaahi Cosoble

0

Xildhibaanada baarlamanka Maamulka hir-shabeelle ayaa galabta xil ka qaadis ku sameeyay Madaxweynihii maamulkaas Cali C/laahi Osoble oo mudooyinkii ugu dambeeyay la hadlayay xil ka qaadistiisa.

Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble  ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay ka maqnaa xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ee magaaladda Jowhar, waana sababaha loo aaneynayo xil ka qaadista galabta lagu sameeyay.

Sidoo kale waxaa jira in madaxweynaha lagu hayso magacaabis uu ku dhowaaqay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo uu ku sheegay inay yihiin degmooyin taasi oo aheyd mid ay ka hor yimaadeen xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Hiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya.

Cali Cabdulaahi Cosoble oo xilka laga qaaday ayaa waxaa dadka siyaasada gobolka u dhuun daloola sheegeen in uu ka biyo diidsanaa in uu ku shaqeeyo magaalada Jowhar oo hore loogu heshiiyay in ay tahay xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle,islamarkaana uu u jeedkiisa ahaa sidii Magaaladda Baledweyne maamulka hir-shabeelle loogu rari lahaa.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble  ayaa lagu eedeeyay in uu kala faquuq uu ka dhex bilaabay wasiiradda Maamulkaas Qaar kamid ah golihiisa intii u uu shaqeynayay ayaa waxaa si xoog leh u shaqeynayaya wasiirada arrimaha gudaha iyo Maaliyada oo kaliya marka loo eego wasaaradaha kale oo gaaraya illaa iyo 23 wasiir.

Xiriirka kala dhaxeeyay Madaxweyne Cosoble dowlada federalka ayaan ahayn mid wanaagsan iyadoo aysan jirin wasiir ka tirsan xukuumada Xasan Cali Kheyre oo Jowhar habeen kaliya ku hoyday, iyadoo dowlad goboledka Hirshabeelle ay ka soo jeedaan marka la fiiriyo wasiiro muhiim ah ee dowlada federalka sida Wasiirada Amniga,Warfaafinta, Caafimaadka,waxbarashada, boostada iyo isgaarsiinta,dhalinyarada iyo isboortiga iyo qaar kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here