Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle oo Kalsoonidii Lagala Noqday+Dhageyso

0

Baarlamanka Dowladda goboleedka Hir-shabeelle ayaa galabta kalsoonidii waxa ay kala laabteen Madaxweynihii Maamulkaas Cali Cabdulaahi Cosoble.

Cod ay u qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle Madaxweynaha Hirshabeele  Osoble ayaa la sheegay in 68 xildhibaan ay u codeeyeen halka ay afar xildhibaan ka soo horjeesteen.

Ma jiro wax weriye ah oo goobjoog ka ahaa kalsoonida lagala laabtay Cali Cabdulaahi Cosoble hase yeeshee qaar kamid ah xildhibaanada Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay in kalsoonida lagala laabtay Madaxweyne Cosoble.

Shalay 12 Wasiir oo isugu jiray Wasiir, Wasiiru dowle iyo Wasiir kuxigeeno ayaa shalay ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkooda, kaddib markii ay ku eedeeyeen Madaxweyne Cosoble waxqabad la’aan iyo dib u dhac uu ku wado maamulka.

Si Ku Meelgaarka waxaa Xilka Madaxweynaha loogu dhiibay Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaadi Cali Guudlaawe Xuseen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here