Warar hoose aynu ka helay Madaxtooyadda Soomaliya ayaa ku waramaya in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ay haatan leeyihiin kulan albaabada ay u xiran yihiin.
Kulankaan ayaa waxaa diiirada lagu saarayaa Mustaqbalka Shiikh Muqtaar Roobow Cali(Abuu Mansuur) ku-xigeenkii Hogaamiyaha Al-shabaab oo shalay soo gaaay Magaaladda muqdisho islamarkaana xalay ku hoyday muddo 6-sano isla Magaaladda Muqdisho, kadib markii uu isku soo dhiibay Dowladda Dhexe ee Soomaliya.
Sidoo kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mas’uuliyiintaan ay saacadaha soo socda ay la kulmi doonaan Ku-xigeenkii hogaamiyihii Xarakadda Al-shabaab Shiikh Muqtaar roobow Cali(Abuu Mansuur) islamarkaana ay kala hadli doonaan sidii uu kaga tasulilahaa fikradaha Al-shabaab, dowladana ula shaqeyn lahaaa.
Muqtaar Roobow oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaliya ayaa sanadkii 2013-kii ka baxay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee ku xoogan qaar kamid ah gobolada dalka Soomaliya.
Abuu Mansuur ayaa ah hoggaamiyihii afaraad ee ka soo goosta Al-Shabaab, waxaa horay Al-Shabaab uga baxay Sheekh Xasan Dahir Aweys oo aan wali cadeyn mowqifka uu ka taagan yahay Shabaab, isla markaana xabsi guri ah, sidoo kale Zakariye Ismaaciil iyo Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa isku soo dhiibay dowladda, kuwaasoo caddeeyay mowqifka ay ka taagan yihiin Shabaab, isla markaana codsaday in la cafiyo.

