War Deg Deg:-Qarax Gaari oo Goordhaweyd Ka Dhacay Muqdisho

0

Qarax gaari lagu dajiyay ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay gudaha magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Qaraxaan ayaa la sheegay in gaarigiisa loogu xirey Nin Taksiile ahaa waxa uuna ka dhacay Wadada aada Garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho gaar ahaan Ka Soo Horjeedka Hotel_Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay ninkii Taksiilaha ahaa sida ay xaqiijiyeen dad ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka Soomaliya.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga cid ka dambeysay qaraxa gaariga lagu xirey iyo shaqsiga la dilay waxa uu ahaa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here