Faah-faahin:-Iska Hor Imaad Xalay Ka Dhacay Duleedka Magaaladda Gaalkacyo

0

Wararka Imaanaya Gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya  in Weerar qasaaro dhaliyey ay rag hubaysan ku qaadeen qoys xoola dhaqato ah oo ku nool Duleedka Deegaanka Godad oo Dhaca Bariga Magaalada Gaalkacyo.

Inta la Xaqiijiyey hal ruux ayaa dhintay Tiro kale waa ay ku dhaawacmeen kadib Markii Xalay Kooxo Hubaysan ay Rasaasseen Qoys Xoola Dhaqato ah sida ay Idaacada Simba Dadka Deegaanka uu falku ka dhacay halkaasi oo wali ay ka taagan tahay Xiisad ka dhalatay Dhacdadaasi.

Dhanka Kale Ma jiro wax dhaqdhaqaaq ah oo ay Sameeyeen Maamulada Galmudug iyo Puntland  oo dhawaan Sameystay Ciidamo isku dhaf ah oo la Sheegay inay sugi doonaan amaanka Gobalka Mudug oo Caan ku ah Dagaal beeleed iyo Dilal ku salaysan Aanooyin Qabiil

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here