Cabdi Xirsi Qarjab Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Wariyayaasha kula hadlay magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Faratoon, ee ku aadanaa in puntland ay ogolaatay in Somali-land Sanaadiiq ay geysato Gobolka Sool iyo Sanaag oo lagu muransan yahay.
“Halkan waxaan usoo fariistay inaan beeniyo war kasoo baxay Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland ee sheegay in ay Puntland kula heshiiyeen inay sanduuqyo keenaan Gobolka Sool iyo Sanaag, arrintaasi wax kajira majiraan! Mana ogolin Gobolka Sool iyo Gobolka Sanaag in ay Sanduuqyo keento Somaliland.
“Umadda Soomaaliyeed muddo ayeey burbur ku jirtay, cidii halkaa keenta wixii dhib ah ee ka yimaada iyada masuuliyadeeda qaadaysa, Puntland-na dhulka ay xukunto oo Puntland ah way difaacaysa, dadweynaha reer Puntland oo Gobolka Sool Iyo Gobolka Sanaag jooga iyo meelkasta oo ay joogaan waxaan leenahay Puntland maanta carqalad ma rabto, ummada Sooomaaliyeedna carqalad uma rabto, Laakiin wixii jiritaankooda iyo midnimadooda soo farageliya waa in loo diyaargaroobo, waa in la iska difaaco dowladduna waa garab istaagaysa”, ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Qarjab.

