Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalyahano ka Tirsan Al-Shabaab ay weerar kale maanta ku qaadeen saldhigga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib dagaalkii dhacay subaxnimadii Arbacada ee dib loogu soo rixay Al-Shabaab.
Weerarkan cusub ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey markii Al-Shabaab ay askar badan keeneen deegaankaasi, kuwaasi oo la sheegay inay qayb ka yihiin weerarkan.
Dagaalladii dhacay maalintii Arbacada ayaa la sheegay inay ku dhinteen 19 qof oo ka tirsan labada dhinac.
Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab iyo ciidamo isaga daacad u ah ayaa ku sugan deegaanka Abal oo ka Tirsan Gobolka Bakool,waxaana dhowr jeer oo hore meelo ku dhow deegaankaas gaaray Al-shabaab, oo la sheegay xitaa in ay ka dalbadeen in uu wada-hadal la furo.
Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay shaacisay in ka qaaday xayiraadii lacageed ee saarneyd Abuu Mansuur waxaa kordhay cadaadiska uu kala kulmayo Al-Shabaab.
Maamulka Koofur Galbeed Soomaliya ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa horay u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay doonayaan inay weeraraan Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab.
Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay Al-shabaab ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku dhuumaaleysan jiray kuna haystay Ciidamo fara badan oo ay isku hayb yihiin.

