Baarlamaanka Soomaliya oo Ansixiyay Sharciga Isgaarsiinta Dalka

0

Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimaha sharciga Isgaarsiinta dalka.

Mudanayaasha golaha Sahacbka  ayaa intaasi kadib  ansixiyay sharciga Isgaarsiinta Qaranka,158 xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 1 xildhibaan uu diiday.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibrahim Muuday oo shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqey in uu sharcigaasi uu yahaya ansxa.

“158 xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 1 xildhibaan uu diiday sidaasi daraadeed sharciga Isgaarsiinta dalka waa ansax”, Sidaasina waxaa yiri C/weli Muude.

Mudanayaasha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa ewaxaa horyaala ajendayaal dhowr ah iyagoo islamaanta ka hadlaya su’aal weydiin ku aadan warbixinada sharciga 112aad ee shaqadad arrimaha dibadda iyo deegaan doorasheedka dalka oo xildhibaanada laga soo doortay waxyaabihii ay kala soo kulmeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here