Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaararaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in wejiga Koobaad ee Ciidamada AMISOM lagaga saarayo Xarumaha Dowladda lagu bilaabayo Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium.
Wasiirka ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabo dib u howlgelinta Garoonkaas iyada oo sheegtay in ay wasaaradu diyaarisey qorshahii lagu dhisi lahaa Garoonka oo bur burxoogan uu soo gaaray bur burkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya.
Waxaay intaas raacisey in wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso soo celinta Muuqaalkii Garoomada Muqdisho lagu yaqaaney.
Horaan sidaan oo kale dhowr mar ayaa loo shaaciyey in AMISOM ay iskaga bixi doonaan Garoonka Muqdisho Stadium ee Magaaladatan Muqdisho, ilaa haatana wasiirka ma aynan cayamin wakhtigaar ah oo ay AMISOM u qabteyn si ay u faarujiyaan Garoonkaasi.

