Mareykanka oo Soo Celinaya Xiriirkii Eritrea Si Al-shaabab Taageero u Helin

0

Xubin katirsan Congress-ka dalka mareykanka ayaa ka codsatay dowlada dalkaasi in dib loo bilaabo xeriirkii military- ee mareykanka uu la lahaa dalka Eritrea taa oo lagu eedeeyay in ay maalgeliso dagaalyanada Xarakada Al shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Dana Rahrabacher oo kamid ah congress-ka dalka mareykanka ayaa u soo jeediyay xoghayaha waaxda difaaca Mr. Jim Mattis in wada xaajood ku saabsan ladagaalanka argagixisada lala galo dalka Ereteria.

Eritrea ayaa dhacda goob strategic ah marka loo eego danaha mareykanka ee arimaha amaanka waxey deris latahay dalka Djabouti halkaa oo mareykanka uu ku leeyahay saldhiga ugu weyn ee qaarada Africa waxaana sidoo kale Eretria ay deris la tahay badda cas iyo canal muhiim ah oo isku xira dakadaha dalal dhaca qaarada Africa iyo wadamada gacanka carbeed sida sacuudi carabiya iyo Yeman.

Tan iyo sanadii 2009-kii  golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa cunaqateyn ku soo rogtay dalka Eretria oo lagu eedeyay in ay teegeeraan  mucaaradka dowlada federalka soomaaliya ee Xarakada Al shabaab kuwaa oo xeriir la leh urur weynaha Al-qaacida.

Dowlada mareykanka ayaa sidoo kale ku eedeysay dalka Eretria in hub sharci darro ah ay u soo dhoofiso gudaha dalka soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here