Maamulka Khaatumo State oo Yeeshay Labo Madaxweyne

0

Maamulka Khaatumo ayaa haatan yeeshay labo madaxweyne kaddib markii uu baarlamaanka maamulkaasi uu kala jabay labo garab, garab kamid ah Baarlamanka Maamulkaas ayaa xilka madaxweynaha maamulka u dhaariyeen Cabdalla Maxamed Cali Heybe [ Cagalule] oo horay madaxweyne ku-xigeen u ahaa.

Sidoo kale waxaa jira Prof Cali Khaliif Galeyr oo isna madaxweyne ka ah maamulka Khaatumo, waayadii ugu danbeeyayna wada hadalo kula jiray maamulka Soomaaliland oo ku saabsan sidii labada dhinac leysugu soo dhaweyn lahaa.

Xildhibaan Cabdikariin Askar Jaamac  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada dhinacba aanay haysan xildhibaano ku filan oo ay cid xil kaga qaadi karaan.

sidoo kale Madaxweynaha maamulka Khaatumo ayaa la sheegay in uu safar uga anbabaxay degmada Buuhoodle, isaga oo warar soo baxaya sheegayaa in uu u dhaqaaqay dhinaca deegaanka Oog oo ka tirsan degmada Laascaabood.

Baarlamanka Maamulka Khaatumo State ayaa dhawaan xilkii ka tuuray madaxweyne Ku-xigeenkii Cabdalla Maxamed Cali Heybe [ Cagalule].

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here