Xubin ka tirsan Guddiga xuquuqda aadanaha ee Jabuuti ayaa maanta u sheegay idaacadda VOA inuu geeriyooday maxbuus ka tirsanaa mucaaradka jabhadda FRUD oo muddo sannado ah xabsiga ku jiray.
Maxamad axmad jabha ayaa wararku sheegayaan inu dhintay maalintii Talaadada balse maanta uu la sheegay.
Warar hordhac ah oo la isla dhexmarayey ayaa sheegayey inuu ku dhintay xabsiga inkastoo maanta Guddoomiyahaa Guddiga dawladda Jabuuti ee xuquuqda aadanaha saleebaan cumar cudin uu VOA u sheegay inuu cisbitaal ku geeriyooday.

