Duqeyn culus oo ay fuliyeen Diyaarado Dagaal oo la Aaminsan yahay in laga Leeyahay Wadamada Maraykanka iyo Kenya ayaa Saacadihii la soo dhaafay laga Maqlay Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalka Gedo kuwaasi oo ay Maamulaan Dhaq-Dhaqaaqa Al-shabaab.
Deegaanada Duqeymuhu ay ka Dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Deegaanka Tuulo-Barwaaqo iyo Tuulooyin ku Xeeran oo hoosta Degmada Baladxaawo ee Gobalka Gedo Halkaasi oo la rumeysan yahay inay Fariisimo ku leeyihiin Dagaalamayaasha Al-shabaab qeybtooda Galbeedka Soomaaliya.
Goob-gayaal ku sugan Deegaanka Tuulo-Barwaaqo ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey inay Maqleen dhawaaqa Madaafiic Culus oo ay Ridayaan Diyaarado dagaal oo Nuuca Qumaatiga u Kaca ah Islamarkaan Madaafiic ku Garaaca Deegaanada oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Al-shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Gedo oo aan Xiriir la Sameynay ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey Duqeynaha ka Dhacay Deegaanada u dhexeeya Degamada Baaldxaawo iyo Magaalada Garbaharey waxa ayna sheegeen Baaritaan ku hayaan qasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi.

