Jubba-land oo Xukuno Ku Riday Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Balad-xaawo+Dhageyso

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Maamul Gobaleedka Jubbaland ayaa Xukun ku riday Gudoomiyaha Degmada Baladxaawo ee Gobalka Gedo Maxamuud Xeyd iyo Taliyaha Nabad-sugida Dagmadaasi oo ku eedeysnaa in ay laaleen Tiro Maxaabiis ah oo ku Xirnaa Xabsiga Degmada Baladxaawo.

Maxkamada Ciidamada Jubaland ayaa Gudoomiyaha Dagmada Baladxaawo iyo Taliyaha Nabad-sugida waxa ay ku Xukuntay inay bixiyaan Magdhow la siiyo Ehelada labo Nin oo dhawaan ay Xabsiga laga Baxay ka dibna la dilay kuwaasi oo la Sheegay in Si Sharci daro ah in loo laayey.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Amartay in Xabsiga la siidaayo Gudoomiyaha iyo Taliyaha Nabad-sugida Maamulka Jubaland ee Dagmada Baladxaawo si ay dib uga Shaqo bilaabaan Xafiisyada Maamulka Magaalada Baladxaawo sida uu Idaacad Simba uu u Xaqiijiyey Nabadoon Idriis Nuur oo ka tirsan Wax-garadka Gobalka Gedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here