Taliyaha ciidanka booliska Puntland sareeyo Guuto Cabdiqaadir Shirre Faarax (Ereg)oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ka hadlay sababta keentay in wax laga qaban waayo dilalka ka dhacaya magaaladaas.
Taliye Ereg ayaa sheegay in Puntland aysan laheyn Ciidamo Sirdoon oo tayo wanaagsna iyo Ciidamo Boolis ah oo tiro ahaan badan kuwaasi oo lagu haleyn karo amniga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug. islamarkaana taasi ay tahay sababta ka dambeysa in lagu fashilmo xaqiijinta amniga Magaaladaas.
“Marka ugu horeyso Hay’addo Sirdoon oo Tayo wanaagsan kama jiraan Magaalada gaalkacyo, Booliska magaalada Gaalkacyo jooga ma ahan kuwa aad u badan oo ku fashilan amniga,Shacabkana dhankooda waxaa loogu baahan yahay In ay Hay’adaha amniga ay kala shaqeeyaan sugida amniga,raga fuliya dilalka waxa ay ku dhex jiraan shacabka”, ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska Puntland.
Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa horey ugu dhacay dilal iyo qaraxyo ay geysteen Rag hubeysan, waxaa sidoo kale jirey in Magaaladas lagu dilay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland.

