Al-shabaab oo Soo Bandhigay Gaari Loogu Olaleynayay Madaxweynaha Kenya+Sawirro

0

Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigay gaari uu leeyahay Xisbiga Jubillee ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kaasi oo laga soo afduubtay  Magaaladda Mandheera Iyo Al-Shabaab oo weeraray kooxda Ololaha doorashooyinka ee Jubillee.

Al-shabaab waxay sheegeen in gaariga ay Ciidamadooda soo afduubteen islamarkaana aysan wax hadal ah aysan ka bixinin,iskastoo warbaahinta Dowladda Kenya ay si weyn ugu eedeeyeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab afduubta gaariga.

“Waxay warbaahinadu tabinayeen in gaariga uu ku dhacay gacanta Al-Shabaab balse aysan ‘Mujaahidiintu’ si rasmi ah kaga hadlin howlgalka, lana ogeyn halka lala aaday balse si lama filaan ah mu’asasada Al-kataa’ib oo iyadana todobaadyadii la soo dhaafay waday Olole-warbaahineed ka dhanka ah doorashooyinka dalka Kenya ayaa soo saartay muuqaal kooban oo lagu soo bandhigayo gaariga iyo fariimo muhiim ah oo ku socda Muslimiinta”, aaya lagu yiri war kasoo baxay Al-shabaab.

“Gaariga waxaa ku Xardhan astaanta xizbiga Jubilee iyo Sawirada Uhuru Kenyatta, Waxaana sidoo kale ku qoran magaca musharax xildhibaan oo ka tirsan Isbaheysiga uu hogaamiyo madaxweynaha hadda jooga,filimku wuxuu soo bandhigayaa gaariga oo dhex socda dhul howd ah oo aan la shaacin halka uu yahay, waxaana dusha sare ka saran dagaalyahano Muhaajiriin ah oo ka soo jeeda dalka Kenya kuwaas oo xaqiijinaya in gaariga lagasoo ghaniimeystay dowladda Kenya, Muslimiinta u tilmaamaya taagdarrada Nidaamka Nairobi iyo sida ay gaadiidkooda kaga cararayaan marka ay la kulmaan geesiyada Islaamka”, ayaa mar kale la yiri.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa ugu baaqay dadka Muslimiinta ah ee ku nool gobolka Woqooyi bari in ay halkaas kasoo haajiraan islamarkaana aysan ka qeyb qaadanin doorashada guud ee dalka Kenya ka dhacaysa bishaan gudaheeda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here