Mareykanka oo Ku Hanjabay in uu Kordhin Doono Weerarada Al-shabaab.

0

Afhayeenka waaxda difaaca mareykanka Capt. Jeff Davis ayaa shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Washington ee dalka mareykanka waxa uu ku sheegay in dowlada mareykanka ay sii wadi doonto howlgalka ka dhanka ah dagaalyanada Xarakada Al shabaab ee ka howl gala gudaha dalka soomaaliya.

Captan Davis ayaa waxa uu sheegay in tiro yar oo kamid ah ciidamada mareykanka  in ay taageero siiyaan dalka Soomaaliya si loo wiiqo awooda weerarada dagaalyahanada Xarakada Al shabaab iyo dagaalyanada xiriirka la leh urur weynaha Al-Qacida ee fadhigoodu yahay dalka Yeman.

30 July ee bishii aynu ka soo guubnay ciidamada mareykanka ayaa qeyb ka qaatay weerar lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan xarakada al shabaab kaa oo ka dhacay meel u dhaw  dagmada Tooratorow ee gobalka shabeelaha hoose.

Cap. Jeff Davis oo ah afhayeenka waaxda difaaca mareykanka ee Pentegon-ka  ayaa  sheegay in ay xaqiijiyeen dhimashada Cali Maxmaed Xuseen oo loo yaqaano cali Jabal kaa oo  lagu dilay duqeyn diyaaradeed.

Tan iyo markii xafiiska uu la wareegay Madaxweyanaha Cunsuriga ee Trump waxaa dowlada mareykanka ay kor u qaaday howlgalkeeda ku aadan soomaaliya iyadoo daraasiin ciidamo American ah ay ka soo dageen magaalada Mogadishu si ay gacan u siiyaan ciidamada dowlada federalka soomaaliya iyo howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here