Wararka ka Imaanaya Deegaanka Xeraale ee Gobalka Galgaduud ayaa Sheegaya in Maanta ay ka Taagan tahay Xiisad u dhexaysa Ciidamada Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahalusuna iyo Maleshiyaad deegaanka kuwaasi oo maalimihii danbe is hor fadhiyey.
Xiisad ayaa Maanta dib u Soo cusboonaatay kadib Markii Maamulka Gobalada Dhexe uu Ciidamo farbadan geeyey deegaanka Xeeraale iyo Tuulooyin ku Xeerarn Sida Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen Dadka Deegaanka iyo Maamulka Xeeraale oo Sheegay inay Iska Caabiyeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlusuna Gudaha Gulay Deegaankaasi.
Gudoomiyaha Deegaanka Xeraale Bashiir Daahir Dhago-badan oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay Ciidamada Ahlusuna soo buux dhaafiyey Deegaankaasi kuwaasi oo Dagaal Saacado qaatay la galay Ciidanka Deegaanka.
Dhanka kale Wasiirka Dib U-heshiistiinta Maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Wax laga Xumaado ku Tilmaamay Dagaalka Xeraale ka soo Cusboonaaday waxa uuna Dhinacyada ugu Baaqay inay Joogiyaan Dagaalkaasi.

