Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho+Sawirro

0

4-qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyootay qarax gaari lagu soo xirey oo caawa Maqribnimadii  ka dhacay wadadda Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Dadka geeriyooday waxaa ku jira Bajaajle, Hooyo qaadka iibin jirtay iyo hooya kale iyo cunugeeda, waxayna dhamaantooda ay ku sugnaayeen goobta uu gaariga ku qarxay oo ah inta u dhexeysa Hoteelka Ambassador iyo Isbitaalka Darushifa.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray laamaha Caafimaadka iyo Ciidamada Dowladda Soomaliya waxaa gabi-ahaanba la xirey goobta uu qaraxa ka dhacay ee wadadda Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Xisilinta Caasimadda oo Howlgal ka waday caawa ayaa  bilaabay howlgal lagu ogaanayo sida u dhacay qaraxa gaariga lagu soo xirey.

Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here