Akhriso:-Go’aano Laga Soo Saaray Jahwareerka Isticmaalka Shilinka Soomaaliga.

0

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa maanta ka qabsoomay kulan u dhaxeeyay Maamulka Gobalka Bari,kan Degmada Boosaaso ,wasaaradda maaliyadda ,Bankiga maamulka,iyo Ganacsatada sariflayaasha Boosaaso.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka dhashay isicmaalka Lacagta Shillinga Soomaliga, oo qaar kamid ah Ganacsatada Magaalada Boosaaso ay kasoo horjeysteen in wax loogu gato.

Qodobada Laga Soo Saaray Kulanka.

1: In ay fasax tahay in la qaato lacagtii hore ee shilinka Soomaaliga ah ,marka laga reebo

lacagaha goo go’an iyo kuwo duugga ah ee aan isticmaalka geli karin.

2: Sarifka lacagta ayaa halkii doolar la go’aamiyey in lagu sarifo 28-kun oo shilinka Soomaaliga ah ,maadama saddexdii beri ee u dambaysay sarukac baahsan laga arkay.

Masuuliyiintii Dawladda ka socday dhankooda waxay balan qaadeen inay xakamaynayaanlacago shilin soomaali ah oo si xad dhaaf ah Gobolo ka baxsan Puntland uga imaanayey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here