Garoonka Entebbe ee Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa la dajiyay diyaarad Siday Meydadka Ciidamo ka Tirsaan kuwa Uganda oo lagu dilay dagaal qorshaysan oo todobaadkaan ka dhacay deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ilaa 12-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Uganda oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose ayaa laga dajiyay magaaladaas waxaana garoonka ku suganaa waalidiinta askarta la dilay oo wajiyadoooda ay ka muuqatay murugo aad u weyn iyo mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Uganda.
Afhayeenka ciidanka melleteriga Uganda ayaa sheegay todobaadkaan gudihiisa in khasaaraha dhimashada ay dhankooda ay xaqiijin karaan ay tahay 12 askari islamarkaana dhaawacna auu yahay 7-askari.












