Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Khaatumo State oo kulan maanta ku yeeshay magaalada Buuhodle ee Gobolka Togdheer ayaa xilkii ka qaaday Madaxweyne ku xigeenka khaatumo Cabdalle Maxamuud Haybe .
Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamanka Maamulka khaatumo State ayaa horey mooshin ugu keenay Madaxweyne Ku-xigeenka, waxaana kulankii maanta uu ahaa mid cod loogu qaadayay Mooshinka.
Guddoomiyaha Baarlmaaanka Maxamuud sheekh Cumar ayaa Halkaasi ka sheegay in Cod Aqlabiyad ah Xilkii looga qaaday Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatumo Cabdala Maxamuud Haybe,islamarkaana madaxweynaha laga sugayo soo magacabista Madaxweyne ku-xigeen cusub.
18 Xildhibaan ayaa u codeysay xil ka qaadista Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatumo.

