Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Cambaareeyay qaraxii gaariga loo adeegsaday ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka jubba-land.
“Al-shabaab ma kala jecla shacabka iyo dadka Dowlada u shaqeeya waxa la inaga doonayaa waa in aan u midowno sidii aan isaga qaban lahayn kuwa maalin walba shacabkeena dilaya” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu Caafimaad deg deg ah u rajaynayaa Dadka shacabka ah ee Maanta Kooxda Nabad diidka ah ay ku dhaawaceen Qarax ay ka gaysteen Makhaayada dad shacab ah ay ku shaahayeen.
Madaxweynahu wuxuu Hay’adaha amaanka farayaa in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo sida ay wax u dheceen isla markana jawaab deg deg ah loo helo Falka maanta dhacay.

