Maamulka Jubba-land ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax gaari loo adeegsaday oo shalay galinkii dambe ka dhacay Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.
Taliye Ku-xigeenka Hay’adda nabad Sugida iyo sirdoonka ee Jubba-land Axmed Ciise Cali oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Jubba-land ay ka hortagayso weerarada Al-shaabab ay soo abaabulayaan.
Waxa uu Sheegay in Jubba-land ay aqoonsatay ragii ka dambeeyay qaraxii gaari ee shalay galinkii dambe ka dhacay magaalada Kismaayo, islamarkaana gacanta lagu soo dhigo doono sida ugu dhaqsiyaha badan.
“Ciidamada maamulka Jubba-land waxay diyaar u yihiin waqti walba, dhabar goynta Al-shaabab, qaraxii Shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo Laamaha amaanka way ka warqabaan baaritaan ayay ku hayaan falkaas waana lagu daba jiraa kuwii ka dambeeyay qaraxa,waxaan ugu baaqayaa shacabka ku nool deeganada Jubba-land in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loogu guuleysto Al-shabaab iyo kuwa dhibaatada wada”,ayuu yiri Axmed Ciise Cali.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay shalay galinkii dambe Maqaaxi lagu magacaabo Shaax-macaan oo ku dhegan xaruntii hore ee ceymiska magaalada Kismaayo ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

