Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo xalay khudbad ka jeediyay dabaaldaga Munaasabadda 19-aad markii la aas-aasay Puntland aya sheegay in Maamulkiisa mudadii saddex-da sano iyo barkii aynu soo dhaafnay uu dagaal kula jirey dagaalyahanada Daacish iy Al-shabaab kuwaasi oo uu sheegay in ay damceen la wareegitaanka Puntland.
“Hada Puntlant-aan jirta saddexda sano iyo xoogaaga dabcan dhibaatooyin badan (Challenges) badan ayaa jiro oo aanu la kulanay, hadaanu amniga kasoo qaadno waa la socotaan dalkaan difaac buu u baahanyahay, saddexda sano iyo barkaa aan joognay waxaa nasoo maray dagaalo tiro badan dhamaantiin waa ogtihiin.
“Labo jeer ayaa gobolka Mudug dagaal ka dhacay, Shabaab ayaa isagoo boqolaal ah kasoo degay Suuj iyo Garmaal iyo Garacad, Daacish baa isku dayday inay qabsato dalkeena qaar ka mid ah een Shabaab iyo sharwadayaal ayaa buuralayda Galgala meelo ka mid ah ku dhuumalaysanaya oo loo baahanyahay inaanu ka saarno, deriskeena waqooyi laftarkiisu mararka qaarkood dhibtiisuu leeyahay oo waa la socotaanoo Challenges-ka mar walbo aan kala kulano iyana waa ogtihiin, waxaan idiin sheegaya marka dalka in Puntland diyaar u tahay inay difaacdo, iyadoo intaasi oo Challenges ah jirto, dhaqaale loogu talagalay oo lagu bixinayaana uusan jirin iyo cid nagu taageeraysa inaanu amnigayaga sugno, inaanu Shabaab la dagaalano”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Puntland ayaa dagaal xoogan kula jirta Al-shabaab iyo Daacish dagaalkii ugu xooganaa ayaa sanadkii aynu soo dhaafnay 2016-kii ka dhacdy deegaano ka Tirsan Gobolka Mudug dhanka deeganada Maamulka Puntland.

