C/rashiid:-“Dabayaaqada Sanadkan Ayay Ciidamada AMISOM Dalka Ka Baxayaan”,+Dhageyso

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/rashiid C/laahi Max’ed ayaa ka hadlay qorshaha loo dajiyay  sidii Ciidamada AMISOM ay Soomaliya kaga bixin lahaayeen.

Wasiirka ayaa sheegay in kulan 5-bari ugu socday Madaxda Wasaaraddag aashaandhiga Dowladda Soomaliya iyo Taliska AMISOM ee Soomaliya lagu go’aamiyay in Ciidamada AMISOM ay soomaliya ka baxaan daba-yaaqadda sanadkaan 2017-ka.

“Shirkan waxaa uu socday muddo 5 maalmood ah ayuu Muqdisho, ka socday, waxaana goog jog ka ahaa, dhaman hay’adaha amanaka dalka hadii ay ahayn lahaayeen, nabad sugidda militariga iyo dhamaan sarakiisha amnig, waxaana laga hadlay 1, horumarinta amniga, tababaridda iyo qalabaynat ciidamada, iyo sidii Amisom ay amniga ugu wareejin lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliay”, Ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in askarigii ugu horeeyey ee Amisom ah la qorsheynayo in uu dalka ka boxo dabayaaqada sanadkan, islamarkaana si tartiib tartiib ay ay dalka uga bixidoonaan ayadoo amaanka ay si buuxda ula wareegidoonaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here