Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo maanta wabaahinta shir Jaraaid ugu qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay Lacagaha been abuurka ee kusoo batay qaar kamid ah Gobolad dalka Soomaliya iyo lacag cusub oo la sameyn doono iyo ciqaabta qofkii lacag been abuur ah sameeya.
Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay ciqaabi doono cid walba oo lagu qabto iyadoo sameenaysa lacago been abuur ah, wuxuuna sheegay in dalka haatan lacagaha laga isticmaalo ay yihiin kuwa aad u yar.
“Waxaa jira lacago been abuur ah oo dhawaan la soo geliyay suuqyada magaalooyinka dalka, lacagtaasi saameyn ayay ku yeelatay noloshabulshada, marka waxaan ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada in ay wax ka qabtaan lacagasi,Bankiga dhexe iyo hey’adda u xil saaran waxaa ay ku howlan yihiin in lacag cusub la soo daabaco oo aan la ben abuur karin, dadka faldambiyeedkaas lacagta been abuurka wadana in laga joojiyo arintaas,” ayuu intaasi ku darayGuddoomiye Bashiir, oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale, xusay in laamaha Bankiga dhexe ee magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ladiyaariyay isla markaana meelaha kale gacanta lagu hayo goor dhowna la dhameystiri doono”, ”, Ayuu yiriGuddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Sidoo kale Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in lacagaha haatan lasoo daabacAyo ay kamid yihiin Kun, labo Kun, Shan Kun, 10 Kun, 20 Kun kuwaasi oo noqonaya hab ku cusub dalka.
“Lacagta waxaa ku jira Kun, labo Kun, Shan Kun, 10 Kun, 20 Kun, waxaa kale oo laga fekirayaa xitaa 50 Kun in lagu soo daro laakiin intaanhor ayaa loo baahan yahay ayaa la yiri,” ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

