Ciidamada Dowladda Soomaliya oo Fashiliyay Qarax

0

Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaliya ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan qarax Miino oo lagu aasay mid kamid ah waddooyinka degaanka KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa laamaha amanka Dowladda Soomaliya kusoo wargaliyay in wadada lagu arkay miinada aroornimadii hore ee saakay, durbadiiba waxaa halkaas gaaray Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Miino baarista.

Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ee Miino baarista ayaa ku guuleystay in ay goobta ka saaran Miinada.

Goobta miinada lagu aasay ayaa marin u aheyd Ciidamada dowladda soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo lala beegsaday Ciidamadaas ay fuliyeen dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here