Maamulka Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa Si kulul uga hadlay dad rayid ah oo Ciidamada Maraykanka ee Saldhiga ku leh Gaalkacyo iyo kuwa Puntland ay ka Afduubteen Koonfurta magaaladaas oo uu ka Arimiyo Maamulka Galmudug kuwaasi oo aan la Aqoon halka la geeyey ilaa hada.
Ciidamo isku jira Maraykan iyo Ciidan PSF ee Maamul Gobaleed ka Puntland ayaa 24-saac ee la soo dhaafay waxa ka qafaasheen Xaafadaha Koonfurta Gaalkacyo waxaan la sheegay loo qaaday Dhanka Garoonka Diyaarahada Gaalkacyo halkaasi oo ah Saldhiga Ciidanka Maraykan ee Gobalka Mudug sida ay Sheegeen Mas’uuliyiinta Maamulka Dagmadaasi ee Galmudug.
Xildhibaan C/wali Faarax Cawaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Dagmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug ayaa Sheegay Ciidamada Dowladda ay Afduubteen Dad Rayid ah oo ay ku jiraan Macalin,Ganacsato caanka ah Gobalka mudug iyo Dhalinyaro kuwaasi oo Xusay Guryahooda laga baxay ilaa iyo hadana aan la Ogayn meel la geeyey.
Xildhibaan C/wali ayaa Ciidamada Maraykanka ku eedeeyey inay wali Gaalkacyo ka Wadaan Falalka Dhan ah Bulshada Galmudug islamarkaan ay Abuureen Qal-qal iyo Cabsi xoogan oo soo wajahay Dadka Rayidka Maadaama ay Ciidamada Puntland ganac ku siinayaan Howlgalka Gaalkacyo oo aan ujeedkiisa loo nsheegin Maamulka Gobalka Mudug.
Ganacsada la Sheegay in Afduubteen Ciidamada Puntland PSF iyo kuwa Maraykan ayaa waxaa ka mid ah Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo 17/11/2012 ay Xukun Dil ay ku Riday Maxkmadda Ciidamada Sida ee Puntland Xiligaas oo lagu eedeyey in uu Xiriir la leeyahay Al-shabaab Balse Laba Sano ka dib laga Siidaayey ka dib Markii Maxkamadda ay sheegtay in lagu waayey Wax Danbi ah.

