Waaxda difaaca dalka mareykanka ayaa sheegay in laga gaabiyay howlgalkii ka dhanka ahaa dagaalyahanada xarakada al shabaAb kadib markii hoos u dhac uu ku yimid sanadii 2016 weerarada dhulka ah ee lagu qaado goobaha xarakada al shabaab ay kaga sugan yihiin gudaha dalka soomaaliya.
Waaxda difaaca Pentagon-ka ee mareykanka ayaa sidoo kale waxey tilmaameen in intaas ay dheer tahay in ciidamada dowlada soomaaliya aaney awood u laheen lawareegita magaalooyinka al shabaab laga qabsado iyo in howlgalka nabad Ilaalinta midowga Africa soomaaliya ee AMISOM ay ku guuldareesteen howlgalka ay u joogaan gudaha dalka soomaaliya.
War qoraal ah oo dowlada mareykanka ay kaga hadashay xaalada dalka soomaaliya oo diirada lagu saaray xoogaga al shabaab ayaa waxey tilmaamatay in sanadii hore ee 2016 laga digay in dib al shabaab ula wareegaan deegaano hor leh oo dhaca koofurta soomaaliya kadib markii ciidamada midowga Africa ee AMISOM ay soo wajahday maalgelin la’aan kaga timid dalka mareykanka iyo iyo ururka midowga yurub.
“Waxaa dhamaadkii 2016 iska caabin yar laga sameeyay waqooyiga, bartamaha iyo koofurta soomaaliya deegaanada xarakada al shabaab ay kaga sugan yihiin waxaana qeyb ka qaatay maamul gobaleedyada dalka ka dhisin” sidaas ayaa lagu yiri war ka soobxay waaxda difaaca mareykanka.
Dagaalyanada Xarakada al shabaab ayaa warkan lagu sheegay in wali ay ku xoogan yihiin gobalka jubaada hoose gaar ahaan deeganaada Jilib,janaale iyo Kunyo Barow halka wali ay ka howlgalaan xuduuda soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan oo weerarao ay ka geestaan gudaha dalka Kenya.
Ururka midwoga Africa ayaa ugu dambeentii lagu eedeeyay in uu ku yimid dib u dhac xoogan kadib markii xarakada al shabaab ay dib ula wareegeen magaalooyin horay looga saaray oo kamid ah kuwa dhaca gobalada Bakool Iyo Hiiraan.

