Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Mr. Meles Alem oo Arbacadii u waramay laanta Amxaariga ee idaacadda VOA, ayaa sheegay inuu Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeyo xidhiidh adagi islamarkaana ay Itoobiyadoonayso isticmaalka dekedda Berbera, kana qayb qaadanayso balaadhinteeda iyo casriyaynteeda.
“Itoobiya iyo Somaliland xidhiidh muddo dheer jiray ayay leeyihiin. Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh ku saabsan dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka, ganacsiga, tacliinta iyo caafimaadka, waxaana jira horumar badan oo ka dhexeeya. Itoobiya waxay doonaysaa inay isticmaasho dekedda Berbera, intaas oo dhan waxa uu raysalwasaaraha Itoobiya u cadeeyay madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi.
Farmaajo markii uu Addis Ababa yimid. Itoobiya waxay doonaysaa inay isticmaasho dekedaha gobalka oo dhan sida Djibouti, Mombasa,Berbera iyo Suudaan. Markaas Itoobiya way doonaysaa dekedda Berbera.
”Afhayeenka oo la weydiiyay inuu xog ka bixiyo wararka sheegaya in Itoobiya dekedda Berbera laga siiyay 19% iyo haddii ay jirtaba lacagta ay ku iibsanayso saamigaas dekedda Berbera, wuxuu sheegay inuu arrintaas ka hadlidoono marka wakhtigeeda la gaadho, “Warkaas aad I weydiisay waa bilow, marka wakhtigiisa la gaadho ayaan kahadli doonaa. “
Afhayeenku, waxa kale oo uu ka hadlay xafiiska ay Somaliland ku leedahay Addis Ababa oo uu sheegay inuuyahay xafiis diblomaasiyadeed oo xidhiidhiya labada shacab iyo labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya,isagoo xusay inay Itoobiyana xafiis sidan oo kale ah ku leedahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

